Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay George Conway oo ah Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay isla markaana ah Isuduwaha Arrimaha Bani’aadannimada Soomaaliya, iyo sidoo kale Brian J. Williams oo ka socday United Nations Peacebuilding Fund.
Kulankaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Abdulkadir Ali, saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda iyo xubno kale oo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee taageera Soomaaliya. Kulanka ayaa ahaa mid muhiimad gaar ah u leh xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada nabad-dhisidda, dib-u-heshiisiinta, xasilinta iyo horumarinta dowlad-wanaagga loo dhan yahay.
Intii uu socday kulanka ayaa si qoto dheer looga wada hadlay saameynta iyo guulaha laga gaaray mashaariicda kala duwan ee uu maalgeliyey Sanduuqa Nabadda ee Qaramada Midoobay, kuwaas oo door muuqda ka qaatay dib-u-soo-kabashada bulshada Soomaaliyeed, xoojinta wada noolaanshaha bulshada, taageeridda dowladaha hoose iyo dhiirrigelinta wada-hadallada dib-u-heshiisiinta ee ka socda qaybo badan oo dalka ah. Sidoo kale waxaa la falanqeeyey caqabadaha weli taagan iyo sida loo horumarin karo mashaariicda mustaqbalka si ay u noqdaan kuwo si toos ah uga jawaaba baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray wajiga cusub ee Sanduuqa Nabadda ee sannadaha 2026 illaa 2030, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen qorshayaasha cusub ee lagu xoojinayo taageerada Soomaaliya. Waxaa la isla gartay in muhiimad gaar ah la siiyo mashaariicda la xiriira nabad-dhisidda waarta, xoojinta hay’adaha dowladda, taageeridda dhalinyarada iyo haweenka, ka hortagga xagjirnimada, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo kor u qaadidda adeegyada dowladeed ee gaara bulshada deegaanka.
Wadahadallada ayaa si gaar ah u xoogga saaray sidii United Nations ay u sii labanlaabi lahayd taageerada istaraatiijiga ah ee ay siiso Soomaaliya, si loo xaqiijiyo in dadaallada socda ay noqdaan kuwo mideysan, waxtar leh isla markaana leh saameyn muuqata oo muddo dheer sii jirta. Waxaa sidoo kale la isla meel dhigay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda barnaamijyada nabad-dhisidda, gargaarka bani’aadannimo, horumarinta dhaqaalaha iyo dib-u-soo-kabashada adeegyada bulshada si loo gaaro xasillooni buuxda oo dalka oo dhan ka hanaqaadda.
Ali Yusuf Ali (Xoosh) ayaa kulanka ka sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay bahwadaagta caalamiga ah, gaar ahaan Qaramada Midoobay, si loo dardargeliyo dadaallada nabadda iyo dib-u-dhiska dalka. Wasiirku wuxuu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay mudnaan weyn siinayso hirgelinta barnaamijyo horseedi kara nabad waarta, dowladnimo xooggan iyo bulsho mideysan oo ku wada nool amni iyo horumar.
Dhankiisa, George Conway ayaa bogaadiyey dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku bixinayso xasilinta dalka iyo dib-u-heshiisiinta bulshada, isaga oo xusay in Qaramada Midoobay ay sii wadi doonto taageerada ay la garab taagan tahay Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya dowladda iyo saaxiibada caalamiga ah si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo xiriirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo la hiigsanayo Soomaaliya nabad ah, xasilloon, horumar leh isla markaana leh dowladnimo adag oo u adeegta shacabka Soomaaliyeed.