Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la yeeshay Culimada, Odayaasha Dhaqanka iyo Bulshada Rayidka

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hon. Cali Yuusuf Cali (Xoosh), oo qeyb ka ah guddiga heer qaran ee wadahallada Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), isla markaana ay wehliyaan xubno ka socda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddi matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qeyb galay culimo Soomaaliyeed, odayaal dhaqameed, iyo wakiillo ka socday bulshada rayidka ah, kuwaas oo door weyn ku leh xoojinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Ujeeddada kulanka ayaa ahayd in la is-weydaarsado xog iyo warbixinno la xiriira heerka diyaar garowga gogosha wadahallada qaran ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay waddo.

Kulanka ayaa ku qabsoomay jawi isfahan, is-ixtiraam iyo wadashaqeyn leh, iyadoo dhinacyadu ay si qoto dheer uga wada hadleen muhiimadda ay leedahay in bulshada Soomaaliyeed oo dhan ay ka qeyb qaadato geeddi-socodka wadahallada, si loo helo xal waara oo ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka.

Guddiya diyaargarowga shirka wadahadallada ayaa u mahadceliyey culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah, iyagoo bogaadiyey doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan dhismaha kalsoonida, dib u heshiisiinta iyo xoojinta dowladnimada Soomaaliya. Waxa kale oo ay guddigu sheegeen in talooyinka iyo aragtiyada ay soo jeediyeen qeybaha bulshada ay saldhig u noqon doonaan hanaanka iyo qorshaha wadahallada socda.

Wasiir Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa dhankiisa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay hirgelinta wadahallo loo dhan yahay oo lagu xaqiijinayo midnimo qaran, nabad waarta iyo xal u helidda khilaafaadka jira, si loo dardar geliyo horumarka iyo xasilloonida dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso wada-tashiga bulshada iyo ka miro-dhalinta geeddi-socodka wadahallada qaran ee lagu wajahayo mustaqbalka Soomaaliya.