Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Soomaaliya oo xilka laga qaaday

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhow xilka ka qaaday Wasiirka diinta xukuumadda Soomaaliya sidda baahisay Warbaahinta dowladda.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa si toos ah uga aqriyay wareegtadada xilka looga qaaday Wasiirka Warbaahinta dowladda.

Xasan Macallin Xuseen ayaa lagu magacaabaa Wasiirka xilka laga qaaday, waxaana xilkaasi loo magacaabay bilooyin ka hor.

xilkaas Waxaa si KMG ah u sii hayn doona wasiiru dowlaha Wasaaradaasi Mudane Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir sidda uu sheegay Wasiirka Warfaafinta.

Waa Wasiirkii Labaad ee xilka laga qaaday ee Wasaaraddaasi soo mara tan iyo intii uu xilka qabtay RW Kheyre.

Xasan Macallin Xuseen oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xilkaasi waxaa loo Magacaabay 24-May ee Sanadkaan 2018-ka.