Wasiirka Awqaafta Soomaaliya oo ka qaybgalay shir caalami ah oo culimada Islaamka uga furmay Istanbul.

Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ka qaybgalay kulanka caalamiga ah ee talo-wadaagga goleyaasha Fatwada Islaamka (International Fatwa Council Consultation Meeting), kaas oo maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen wasiirrada arrimaha diinta, madaxda hay’adaha diinta, muftiyo waaweyn iyo culimo caan ka ah dunida Islaamka, ayaa looga hadlayaa sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha diinta iyo goleyaasha fatwada ee dalalka Islaamka, loona abuuri lahaa hannaan mideysan oo lagula tacaalo caqabadaha cusub ee wajahaya ummadda Muslimiinta.

Shirkan oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Diyanet ee dalka Turkiga ayaa waxaa ka qaybgalaya in ka badan 100 marti-sharaf oo ka kala socda in ka badan 50 dal. Munaasabadda furitaanka waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, iyo mas’uuliyiin kale oo heer caalami ah.

Hal-ku-dhigga kulanka ayaa ah “Midnimada Ummadda Islaamka iyo Goleyaasha Fatwada ee ka Jawaabaya Caqabadaha Caalamiga ah”, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii loo dhisi lahaa hannaan wada-tashi oo joogto ah, kaas oo mideeya goleyaasha fatwada ee dalalka Islaamka, isla markaana kor u qaada isku-duwidda aragtiyada culimada.

Ajendayaasha kulanka waxaa sidoo kale qayb ka ah mideynta aragtida culimada, xoojinta walaaltinimada iyo midnimada ummadda Islaamka, iyo sidii loo heli lahaa habab cilmiyeed oo looga jawaabo su’aalaha cusub ee ka dhasha horumarka tiknoolajiyadda casriga ah iyo sirdoonka macmalka ah (AI).

Waxaa intaas dheer in kulanka si gaar ah loogu falanqeynayo la dagaallanka xogaha diineed ee khaldan ee lagu faafiyo baraha bulshada iyo fatwooyinka aan ku dhisnayn cilmi iyo aqoon sugan, kuwaas oo caqabad ku noqon kara fahamka saxda ah ee diinta Islaamka.

Madaxweynaha Hay’adda Diyanet, Prof. Dr. Safi Arpaguş, oo khudbad ka jeediyay munaasabadda furitaanka, ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in culimada Muslimiintu yeeshaan mowqif mideysan, isla markaana ay dhisaan hannaan wada-tashi oo joogto ah oo awood u leh inuu ka jawaabo caqabadaha cusub ee dunida Muslimka ka jira.

Dhanka kale, Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Istanbul kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Hay’adda Diyanet ee dalka Turkiga, Prof. Dr. Safi Arpaguş, kaas oo ay kaga wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dhinac iyo horumarinta xiriirka hay’adaha diinta ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Kulanka labada mas’uul ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dhismaha iyo tayeynta Sanduuqa Zakada Soomaaliya iyo nidaamka Waqafka, kuwaas oo ka mid ah qorshayaasha lagu horumarinayo adeegyada diinta Islaamka iyo hay’adaha maamula hantida iyo dhaqaalaha loogu talagalay arrimaha bulshada.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale muujinaya dadaallada lagu doonayo in khibradda iyo aqoonta ay leedahay Hay’adda Diyanet ee Turkiga looga faa’iideysto horumarinta hay’adaha diinta ee Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada maamulka, nidaaminta iyo tayeynta adeegyada la xiriira Awqaafta iyo Zakada.

Ka-qaybgalka Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Soomaaliya ee shirkan caalamiga ah ayaa muhiimad u leh xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo hay’adaha diinta ee caalamka, iyadoo Soomaaliya ay fursad u heleysay inay qayb ka noqoto doodaha iyo wada-tashiyada lagu go’aaminayo mustaqbalka goleyaasha fatwada iyo doorka culimada ee ka jawaabista caqabadaha casriga ah.

Shirkan ka socda Istanbul ayaa sidoo kale fursad u ah in dalalka Islaamku ay iska kaashadaan horumarinta waxbarashada diinta, ilaalinta aqoonta shareecada iyo dhisidda hay’ado awood u leh inay bulshada Muslimiinta siiyaan hagitaan diineed oo ku dhisan cilmi, aqoon iyo wada-tashi.