Wasiirka Beeraha iyo Waraabka JFS oo shir la yeeshay Guddoomiyaha SoDMA

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo uu la yeeshay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda hay’adaha dowladda iyo dardargelinta dadaallada loogu diyaar garoobayo saameynta ka dhalan karta abaaraha, fatahaadaha iyo duufaannada la saadaalinayo inay dalka ka dhacaan xilliyada soo socda.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku xoojinayso qorshayaasha ka hortagga iyo u diyaargarowga musiibooyinka dabiiciga ah, iyadoo mudnaanta la siinayo badbaadinta nolosha shacabka, ilaalinta wax-soo-saarka beeraha iyo xaqiijinta sugnaanta cuntada dalka.

Intii uu socday kulanka, labada masuul waxay si qoto dheer uga wada hadleen saadaasha cimilada ee muujinaysa suurtagalnimada roobab mahiigaan ah, fatahaado iyo duufaanno saameyn ku yeelan kara deegaanno kala duwan oo dalka ka mid ah. Waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan qorshe mideysan oo lagu wajaho xaalad kasta oo degdeg ah, si loo yareeyo khasaaraha ka dhalan kara masiibooyinka dabiiciga ah.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye), ayaa carrabka ku adkeeyay in isbeddelka cimiladu uu saameyn toos ah ku leeyahay wax-soo-saarka beeraha, nolosha beeraleyda iyo dhaqaalaha dalka. Wuxuu xusay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta wada shaqeynta ay la leedahay SoDMA iyo hay’adaha kale ee dowladda si loo hirgeliyo qorshayaal wax ku ool ah oo lagu yaraynayo saameynta ay masiibooyinka dabiiciga ahi ku yeelan karaan bulshada Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa sheegay in Hay’addu ay sii waddo qiimeynta khataraha jira, diyaarinta qorshayaasha gurmadka degdegga ah iyo kor u qaadista wacyigelinta bulshada si loo xoojiyo u adkeysiga masiibooyinka dabiiciga ah. Wuxuu tilmaamay in iskaashi dhow oo ka dhexeeya hay’adaha dowladda iyo saaxiibbada caalamiga ahi uu muhiim u yahay yareynta saameynta ka dhalan karta isbeddelka cimilada.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay sidii loo horumarin lahaa nidaamyada digniinta hore ee saadaasha cimilada, loo xoojin lahaa isku xirnaanta hay’adaha dowladda, isla markaana loo diyaarin lahaa qorsheyaal degdeg ah oo lagu gaarsiinayo gargaar bulshada ay saameeyaan abaaraha, fatahaadaha ama duufaannada.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda, lana mideeyo dadaallada ku aaddan ka hortagga iyo maaraynta musiibooyinka dabiiciga ah. Waxay sidoo kale adkeeyeen muhiimadda ay leedahay diyaar-garow joogto ah, qorsheyn ku saleysan xogta cilmiga ah iyo hirgelinta tallaabooyin lagu ilaalinayo nolosha shacabka, wax-soo-saarka beeraha, xoolaha iyo sugnaanta cuntada dalka.

Kulankan ayaa muujinaya sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta u diyaargarowga iyo maareynta khataraha ka dhasha isbeddelka cimilada, iyadoo la dardargelinayo iskaashiga hay’adaha dowladda si loo yareeyo saameynta masiibooyinka dabiiciga ah loona ilaaliyo horumarka dhaqaale iyo nololeed ee bulshada Soomaaliyeed.