Wasiirka Beeraha XFS oo shir looga hadlayey arrimaha Beeraha uga qayb galay Dalka Jarmalka.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Iyo wafdi uu hogaaminaayay ayaa Shir Caalami ah oo ku saabsanaa horumarinta beeraha uga qayb galay magaalada Berlin ee caasimada dalka Jarmalka.
Shirkaan oo sanad waliba la qabto waxa diiradda lagu saaraa horumarinta beeraha caalamka, is weydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha beeraha.
Wasiirka Beeraha XFS Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa intii uu ku sugnaa xarunta shirka wuxuu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirrada Beeraha dalal kala duwan iyo mas’uuliyiin hay’adaha caalamiga ah ee shirkaas ka qayb galay.
Kulamadaan ayaa diiradda lagu saaray xaalada beeraleyda Soomaaliyeed, caqabadaha haysta iyo dadaalada lagu horumarin karo beeraha Soomaaliya.
Wasiirka ayaa madaxdii uu la kulmay ka codsaday inay kordhiyaan maalgelinta iyo mashaariicda lagu taageerayo beeraleyda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada ay saameeyeen isbeddelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqday.