Wasiirka Caafimaad XFS oo gaaray Dalka Qatar, si uu uga qeyb galo shirweyne muhiim ah.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa gaaray Magaalada Dooxa ee dalka Qatar si uu uga qeybgalo shirka madasha bariga dhexe ee badqabka iyo tayada adeegyada caafimaad,(Middle Eastern conference for health services quality and safety).

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji waxaa halkaas ku soo dhaweeyey sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar Ruun Saciid Qoorsheel iyo mas’uuliyiin ka socota wasaarada caafimaadka ee dalka Qatar.

Wasiirka ayaa kulamo gaar ah la yeelan doona inta uu ku sugan yahay dalka Qatar madaxda ka soo qeyb galaysa shirka, isagoo kala hadli doono iskaashi ku aadan horumarinta caafimaadka, maadaama Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka kobaca wanaagsan ka sameyna caafimaadka,iyadoo uu sidoo kalena dalalka qeybahooda caafimaad ay hormarsanyihiin kala hadli doono taageerada qeybta caafimaadka Soomaaliya iyo mashaariicda lagu horumarinayo.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an horumarinta Caafimaadka dalkeena, maadama bulsho waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah uu u leeyahay adeeg caafimaad oo tayo leh, iyadoo la raacayo hirgilinta adeegga loo dhan yahay ee xirmooyinka caafimaadka.