Wasiirka Caafimaadka Ali Haji Adam oo kormeer shaqo ku tegay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka Banaadir

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir, si uu ugu kuurgalo xaaladda guud ee adeegyada caafimaad ee halkaas laga bixiyo, gaar ahaan daryeelka hooyooyinka iyo carruurta.
ajeedka Booqashada wasiirka ayaa ahayd qiimeyn dhab ah oo ku saabsan tayada adeegyada, baahiyaha jira, iyo caqabadaha hortaagan horumarinta isbitaalka. Markii uu gaaray xarunta, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyey Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Banaadir, Dr. Muna Hussein Hassan, oo ka warbixisay xaaladda guud ee isbitaalka, isbeddellada la sameeyey tan iyo markii ay xilka la wareegtay, iyo qorshayaasha horumarineed ee ay hiigsanayaan.
Wasiirka ayaa kormeer ku sameeyey dhammaan qeybaha kala duwan ee isbitaalka, oo ay ka mid yihiin qeybta dhalmada, daryeelka carruurta, qeybta degdegga ah, iyo qolalka jiifka bukaannada. Intii uu kormeerka ku jiray, wuxuu si dhow ula hadlay shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada, isaga oo dhageystay talooyin iyo cabashooyin la xiriira adeegyada.
Wuxuu wasiirku si gaar ah u bogaadiyey dadaalka ay sameynayaan dhaqaatiirta iyo kalkaaliyeyaasha, isagoo xusay in ay yihiin laf-dhabarta adeegga caafimaadka bulshada. Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo tayada adeegyada, la xoojiyo qalabka caafimaadka, iyo in la horumariyo xirfadaha shaqaalaha.
Dhankiisa, Agaasimaha Isbitaalka Banaadir, Dr. Muna Hussein Hassan, ayaa sheegtay in maamulka cusub uu ku howlan yahay dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo nidaamka shaqo, nadaafadda, iyo habka adeeg bixinta, si loo hubiyo in bukaannadu helaan daryeel hufan oo tayo leh.
Ugu dambeyn, wasiirka ayaa ballan qaaday in Wasaaraddu ay ka shaqeyn doonto taageeridda isbitaalka, si loo xalliyo caqabadaha jira, isla markaana loo gaarsiiyo adeegyada caafimaad heer ka wanaagsan kan hadda jira. Wuxuu sidoo kale xusay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, maadaama ay laf-dhabar u yihiin mustaqbalka bulshada.