Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Galmudug, Mudane Dr. Cabdiwali Cabdullaahi Jaamac, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug, Mudane Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, ayaa magaalada Nairobi uga qeyb galay shir heer sare ah oo diiradda lagu saarayay maalgelinta, horumarinta, iyo xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya.
Shirka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Dr. Cali Xaaji Aadan, waxaana ka soo qeyb galay wakiillo ka kala socday maamul-goboleedyada dalka, saaxiibada caalamiga ah ee taageera horumarinta caafimaadka Soomaaliya, iyo daneeyayaal kale oo muhiim ah.
Inta uu socdo shirka, waxaa si qoto dheer looga doodi doonaa caqabadaha ka jira nidaamka caafimaadka dalka, fursadaha maalgelin ee jira, iyo sida loo xoojin karo wada shaqeynta u dhexeysa dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo saaxiibada caalamiga ah si loo helo adeegyo caafimaad oo tayo leh, loona gaarsiiyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed.