Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa furey Mashruucan oo ay ka faa’iideysan doonaan ku dhowaad 200,000 oo arday, kaas oo lagu fulin doonaa adeegyo ay ka mid yihiin baaris, daaweyn, qalliin iyo qoris muraayadaha indhaha (Okiyaalayaal). Barnaamijkan wuxuu ka qabsoomi doonaa afar magaalo oo dalka ka mid ah, kuwaas oo kala ah Banaadir/Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Gaalkacyo.
Sidoo kale mashruucan waxaa baaris, daaweyn iyo tababaro loogu sameyn doonaa macallimiinta iyo maamulayaasha iskuulada ee ku sugan afartaas magaalo, si loo xoojiyo wacyiga iyo daryeelka caafimaadka aragga ee deegaanka waxbarashada.
Mashruucan waxaa iska kaashaday Bangiga Islaamka, hay’adaha Human Appeal iyo Direct Aid, iyadoo si dhow ula shaqeynaysa Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Barnaamijkan waa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo caafimaadka aragga ee carruurta Soomaaliyeed, maadaama arag wanaagsan uu laf-dhabar u yahay waxbarasho tayo leh iyo mustaqbal ifaya.