Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadan, ayaa maanta si rasmi ah u furay munaasabadda lagu xusay Toddobaadka Caalamiga ah ee Naas-nuujinta Adduunka, oo sannad kasta dunida laga xuso toddobaadka ugu horreeya bisha Agoosto si kor loogu qaado wacyigelinta ku saabsan muhiimadda naas-nuujinta carruurta.
Munaasabadda oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Maryama Maxamed Xuseen, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, xubno ka socday Ururka Dhakhaatiirta Soomaaliyeed, agaasime waaxeedyada Wasaaradda Caafimaadka, wakiillo ka socday hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka, culumaa’udiin, dhaqaatiir, xirfadlayaal caafimaad iyo marti sharaf kale.
Ujeeddada xuskan ayaa ahayd in la kordhiyo wacyiga bulshada, gaar ahaan hooyooyinka, si loogu dhiirrigeliyo inay si buuxda u naas-nuujiyaan carruurtooda lixda bilood ee ugu horreeya noloshooda. Khubarada caafimaadka ayaa tilmaamay in caanaha hooyadu ay yihiin nafaqada ugu dhammaystiran ee uu ilmuhu u baahan yahay, isla markaana ay door weyn ka qaataan koboca caafimaadkiisa iyo difaaca jirkiisa.
Intii lagu guda jiray munaasabadda waxaa lagu sheegay in naas-nuujintu ay ka hortagto cudurro badan oo ku dhaca carruurta yaryar, sida caabuqyada neef-mareenka, dhuunta iyo dhegaha, iyadoo sidoo kale sare u qaadda koritaanka maskaxda iyo garashada ilmaha. Sidoo kale, waxaa la xusay in naas-nuujintu faa’iidooyin caafimaad u leedahay hooyada, isla markaana ay xoojiso xiriirka ka dhexeeya hooyada iyo ilmaheeda.
Wasiirka Caafimaadka, Dr. Cali Xaaji Aadan, oo munaasabadda ka hadlay ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ololahan, isagoo sheegay in heerka naas-nuujinta carruurta Soomaaliyeed uu weli hooseeyo marka loo eego heerarka caalamiga ah.
“Waxaa nasiib darro ah in saddexdii carruur Soomaaliyeed mid keliya uu helo naas-nuujin buuxda lixda bilood ee ugu horreeya noloshiisa. Tani waxay saameyn taban ku yeelan kartaa caafimaadka iyo koritaanka ubadka, waana waqtigii la sameyn lahaa isbeddel dhab ah oo lagu horumarinayo wacyiga bulshada,” ayuu yiri Wasiirka.
Wuxuu ugu baaqay hooyooyinka Soomaaliyeed inay mudnaan siiyaan naas-nuujinta carruurtooda, isagoo xusay in caanaha hooyadu ay yihiin gaashaanka ugu horreeya ee ka difaaca ilmaha cudurrada isla markaana ay saldhig u yihiin korriin caafimaad leh.
Mas’uuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka iyo hay’adaha la shaqeeya ayaa sidoo kale ballanqaaday inay sii xoojin doonaan ololayaasha wacyigelinta, tababarrada shaqaalaha caafimaadka iyo adeegyada taageeraya hooyooyinka, si loo kordhiyo tirada carruurta hela naas-nuujinta buuxda lixda bilood ee ugu horreeya noloshooda.
Toddobaadka Caalamiga ah ee Naas-nuujinta Adduunka ayaa sanad walba laga xusaa dalal badan oo caalamka ah, iyadoo diiradda lagu saarayo kor u qaadista caafimaadka hooyada iyo dhallaanka, yareynta dhimashada carruurta iyo xaqiijinta in jiilalka cusub ay ku koraan caafimaad wanaagsan.