Wasiirka Caafimaadka oo kulan la yeeshay Safiirka UK

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulsha ayaa kulan la qaatay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska iyo koox ka socotay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) ee Safaaradda Ingiriiska.

Danjire Kate Foster Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliyaa ayaa Wasiirka iyo Mas’uuliyiintii kale ee la socotey si diiran u soo dhaweeyay kagana warbixiyey xiriirka iyo wadashaqeybta ballaaran ee Wasaaradda iyo Safaaradda ka dhaxeysa.

Labada dhinac ayaa ka wada hadley sidii loo cusboonaysiin lahaa ballan-qaadkoodii ku aaddanaa Iskaashiga Horumarinta qeybta Caafimaadka, waxayna isla garteen kawadashaqeynta hannaanka ay Dowladda u hoggaaminayso ee ah hirgelinta Barnaamijka “BETTER LIVES” oo ay maalgeliso FCDO iyo in la hubiyo Maalgelinta UK ee la jaan-qaado mudnaanta Dawladda si Bulshada loo gaarsiiyo xirmo isku dhafan oo muhiim u ah adeegyada Caafimaadka (EPHS), iyo xoojinta nidaamyada maamulka Caafimaadka ee mudnaanta leh si ay iskukaabaan Mashaariicda horumarineed ee kale oo ay maalgeliyaan hey’addaha kale ee horumarinta kala shaqeeya Wasaaradda sida Bank-ga Aduunka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa uga mahadceliyay sida joogtada ah ee ay Dowladda UK uga go’an tahay taageerada ay ku bixinayaan iyo dadaalka ku aaddan wax ka qabashada masiibada COVID-19 iyo abaaraha socda ee saameeyay in ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ilaa hadda.

Dawladda Boqortooyada ingiriiska waxay gacan ka gaysatay qaabaynta iyo horumarinta Xirmada Aasaaska ah ee Adeegyada Caafimaadka (EPHS) oo ah qaab-dhismeedkeena Qaran ee habaynta, maaraynta iyo bixinta adeegga Daryeelka Caafimaadka aasaasiga ah ee Dalka.

Wasaaradda waxaa ka go’an xal u hellidda baahiyaha dhanka Caafimaadka ah ee ka jira dalkeena iyadoo la xoojinayo xiriirka Wasaaradda ay la lee dahay dayneeyayaasha Horunarinta Caafimaadka si loo hello Bulsho bad qabta.