Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Soomaaliya, kaas oo ka qaybgalaya Shirka 73-aad ee Guddiga Gobolka Bariga Mediterranean-ka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO EMRO), oo ka furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Wasiirka ayaa ka qaybgalay munaasabadda furitaanka shirka, waxaana ku wehelinayay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar, Maxamed Cabdi Awaare, iyo agaasimayaal waaxeedyo ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada.
Shirkan oo qabsoomaya 13-ka ilaa 15-ka Oktoobar 2026, ayaa waxaa ka qaybgalaya wasiirrada caafimaadka dalalka gobolka, madaxda Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah.
Ajandaha shirka ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta nidaamyada caafimaadka, ka hortagga cudurrada, u diyaargarowga iyo ka jawaabista xaaladaha degdegga ah, iyo horumarinta iskaashiga caafimaadka ee dalalka gobolka.
Ka qaybgalka wafdiga Soomaaliya ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga caafimaadka ee heer gobol iyo heer caalami, si loo horumariyo adeegyada caafimaadka dalka loona dardargeliyo qorshayaasha lagu horumarinayo caafimaadka bulshada.
Inta uu wasiirku ku sugan yahay magaalada Qaahira, waxaa la filayaa inuu ka qaybgal ka sameeyo kulammo laba geesood ah iyo shirar doceedyo looga hadlayo xoojinta xiriirka caafimaad ee Soomaaliya la leedahay dalalka gobolka iyo hay’adaha caalamiga ah.
Kulammadaasi ayaa fursad u ah Soomaaliya inay la wadaagto dalalka kale mudnaanta caafimaad ee dalka, isla markaana ay ka wada hadlaan sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga, kor loogu qaadi lahaa tayada adeegyada caafimaadka, loona xoojin lahaa taageerada dhinaca caafimaadka ee bulshada Soomaaliyeed.