Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane H.E Dr. Ali Haji Adam, ayaa magaalada Daarusalaam ee dalka Tansaaniya uga qaybgalay Shirweynaha 3-aad ee Caalamiga ah ee Istaraatiijiyadda Wax-ka-qabashada Cudurrada Aan Faafin ee Daran ee Afrika (ICPPA 2026).
Shirkan oo heer caalami ah ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiirrada Caafimaadka ee dalalka Afrika, madax ka socotay hay’adaha caalamiga ah, khubaro caafimaad iyo daneeyayaal kala duwan, kuwaas oo ka dooday sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagula tacaalayo cudurrada aan faafin ee saameeya qaaradda Afrika.
Intii uu shirku socday, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa ka qeybgalay dood muhiim ah oo looga hadlay “Abaabulka iyo Helitaanka Kheyraadka lagu Taageerayo Cudurrada Aan Faafin ee ka jira Dalalka Nugul iyo Goobaha ay Saameeyeen Xaaladaha Bani’aadannimo”.
Wasiirku waxa uu madasha ku soo bandhigay xaaladda caafimaad ee Soomaaliya, caqabadaha jira iyo baahida loo qabo in la helo maalgelin waarta iyo iskaashi caalami ah si loo xoojiyo adeegyada la xiriira ka hortagga iyo daaweynta cudurrada aan faafin.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in dalalka wajahaya xaaladaha nuglaanta iyo kuwa bani’aadannimo ay si gaar ah ugu baahan yihiin taageero dheeraad ah, si ay ula tacaalaan kororka cudurrada aan faafin isla markaana loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo loo siman yahay dhammaan bulshada.
Ugu dambeyn, Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa xusay muhiimadda iskaashi caalami ah iyo maalgelin joogto ah oo lagu xoojinayo nidaamyada caafimaadka, si loo yareeyo saameynta cudurrada aan faafin ee sii kordhaya gudaha Afrika.