Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Oo Ka Qeyb Galay Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka ee Geneva

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cali Xaaji Aadam, ayaa maanta ka qeyb galay furitaanka Shirweynaha 79-aad ee Caafimaadka Adduunka (World Health Assembly), oo si rasmi ah uga furmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka waxaa safarkiisa ku wehliyay wafdi sare oo ka kooban agaasime-waaxeedyo iyo howl-wadeenno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, kuwaas oo matalaya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wafdiga Soomaaliya ayaa ka qeyb qaadan doona doodaha muhiimka ah, kulamada doceedyada (side meetings), iyo go’aamada istiraatiijiga ah ee shirka ka soo bixi doona.

Shirweynahan oo ah mid sanadle ah, isla markaana ay isugu yimaadaan wasiirrada caafimaadka iyo madaxda hay’adaha caafimaadka ee caalamka, waxaa sanadkan si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta nidaamyada daryeelka caafimaadka, xoojinta iskaashiga caalamiga ah, iyo diyaarinta istaraatiijiyado lagu wajahayo caqabadaha caafimaad ee sii kordhaya ee dunida.

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ka qeybgalka shirka uu yahay fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, lana wadaagayo dadaallada ay Soomaaliya ku horumarinayso adeegyada caafimaadka, gaar ahaan tayeynta xarumaha caafimaadka, kor u qaadista adeegyada bulshada, iyo xoojinta nidaamka caafimaadka qaranka.

Ugu dambeyn, Wasaaraddu waxay caddeysay inay ka go’an tahay sii wadista dadaallada lagu horumarinayo caafimaadka dalka, isla markaana ay si firfircoon uga qeyb qaadan doonto madalaha caalamiga ah ee lagu sameeyo siyaasadaha iyo qorsheyaasha caafimaadka dunida.