Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya oo Kulan La Qaatay Ardayda Caafimaadka ee Wax Ka Barta Masar

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Adam, ayaa kulan muhiim ah la qaatay ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, gaar ahaan kuwa dhigta kulliyadaha caafimaadka iyo takhasusyada kala duwan ee la xiriira adeegyada caafimaadka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda waxbarashada caafimaadka, fursadaha tababarrada iyo takhasusyada sare, caqabadaha ay la kulmaan ardayda Soomaaliyeed ee dibadda wax ku barata, iyo doorka muhiimka ah ee ay ka qaadan karaan dib-u-dhiska iyo horumarinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya marka ay soo dhammaystaan waxbarashadooda.

Ardayda ayaa Wasiirka la wadaagay warbixinno ku saabsan heerka waxbarashadooda, fursadaha ay haystaan iyo baahiyaha ay qabaan, iyagoo sidoo kale muujiyay rabitaankooda ku aaddan inay aqoontooda iyo xirfaddooda ugu adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Caafimaadka ayaa ku bogaadiyay ardayda dadaalka iyo guulaha ay ka gaareen waxbarashadooda, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si ay u noqdaan xirfadlayaal caafimaad oo heer sare ah, kuwaas oo door muuqda ka qaata horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa carrabka ku adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn uga go’an tahay horumarinta tayada waxbarashada caafimaadka, kobcinta xirfadaha aqoonyahannada caafimaadka iyo abuurista fursado lagu taageerayo dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku howlan barashada culuumta caafimaadka.

Wuxuu xusay in xirfadlayaasha caafimaadku ay yihiin laf-dhabarta nidaam caafimaad oo tayo leh, isla markaana ay door muhiim ah ku leeyihiin bixinta adeegyo caafimaad oo hufan kana jawaaba baahiyaha shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilligan ay dalka ka socdaan dadaallada lagu tayeynayo adeegyada caafimaadka.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa ardayda ugu baaqay inay sii xoojiyaan aqoontooda, ilaashadaan sumcadda Soomaaliyeed ee goobaha waxbarashada, isla markaana ay mustaqbalka qeyb firfircoon ka noqdaan horumarinta caafimaadka iyo adeegyada bulshada ee dalka.