Wasiirka Cadaalada Oo daahfuryay Imtixaanka Ruqsad bixinta Nootaayanimada

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Xukuumadda Soomaaliya  Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka daah-furay Imtixaanka Ruqsada bixinta Nootaayanimada, kaas oo ay imtixaan u galayaan ku dhowaad 40 qof oo doonaya in ay helaan Ruqsada Nootaayanimada Dalka.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, ayaa tilmaamay in Imtixaankaan uu ku soo aadaayo muddo 30 sano ah kadib in lagu hirgaliyo si hufan oo loo siman yahay.

Wasiirka ayaa sidoo kale bogaadiyay Guddiga soo diyaariyay imtixaanka oo ka koobnaa ilaa iyo 3 hay-adood oo kala ah Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Maxkamadda Racfaanka iyo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.