Wasiirka cadaalada oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha hey’adda Caalami ah.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxweynaha hey’adda Interpeace Itonde Abraham Kakoma iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka booqasho shaqo ku jooga.

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Dastuurka Soomaaliya Xassn Macallim iyo Itonde Abraham ayaa ka wada hadlay arrimo la xariira cadaallada, nabadeynta iyo xasilinta oo muhiim u ah horumarka dalka iyo wadajirka bulshada.

Madaxweynaha hey’adda Inter Peace ayaa wasiir Xassan Macallim uga mahad-celiyay qaabilaadda iyo soo dhaweynta, waxuuna ammaanay dadaallada dowladda ee dib-u-eegista Dastuurka, iyo horumarinta Caddaaladda iyo garsoorka oo gundhig u ah nabad kusoo dabaalidda dalka.

Wasiir Xasan Macallin ayaa Itonde Abraham iyo hey’adda uu madaxda ka yahay uga mahad celiyay shaqada ay dalka ka hayaan ee la xiriirta dadaallada nabadeynta bulshda, waxuuna ku dhiirri geliyay iney joogteeyaan.