Wasiirka Cadaaladda iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo Daahfuray Imtixaanka Ruqsadda Qareennimada 2026

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Mudane Baashe Yuusuf, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Imtixaanka Ruqsadda Qareennimada ee sannadka 2026.

Imtixaanka ayaa waxaa u fariistay in ka badan 300 oo sharci-yaqaan, kuwaas oo doonaya inay helaan ruqsadda rasmiga ah ee qareennimada si ay ugu shaqeeyaan mihnadda sharciga.

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qabashada imtixaankan ay qeyb muhiim ah ka tahay dadaallada lagu tayeynayo nidaamka caddaaladda dalka, iyadoo la hubinayo in qareennimada ay galaan xirfadlayaal leh aqoon iyo karti waafaqsan shuruucda iyo heerarka xirfadeed.

Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa bogaadiyay guddiga qabanqaabada imtixaanka, jaamacadaha ay ka soo baxeen sharci-yaqaannada, macallimiintii wax soo bartay iyo waalidiintii kaalinta ku lahaa guusha ardayda. Wuxuu sidoo kale u rajeeyay dhammaan ka qeybgalayaasha imtixaanka guul iyo inay si hufan uga soo baxaan imtixaanka.

Wasiirku wuxuu xusay in dowladda ay ka go’an tahay dhismaha hay’ad caddaaladeed oo hufan, lagu kalsoonaan karo, isla markaana ku dhisan mabaadi’da dowladnimada, isla xisaabtanka iyo sarreynta sharciga.

Daahfurka imtixaanka ayaa qeyb ka ah qorshaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee lagu horumarinayo tayada adeegyada garsoorka iyo kor u qaadidda xirfadaha bahda sharciga, si loo helo nidaam caddaaladeed oo u adeega shacabka Soomaaliyeed.