Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo lagu qiimeynayey waxqabadka sanadka 2025 isla markaana lagu falanqeeyey qorshaha wax qabadka istiraatiijiyadeed ee sanadka 2026.
Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Cadaaladda, ayaa waxaa ka qeybgalay hoggaanka sare ee Wasaaradda, agaasimayaasha waaxyaha, iyo la-taliyeyaasha Wasiirka. Intii uu socday ayaa diiradda lagu saaray guulihii la gaaray sanadkii 2025, caqabadaha la soo gudboonaaday, iyo fursadaha horumarineed ee la heli karo. Waxa kale oo kulanka lagu adkeeyey muhiimadda isla-xisaabtanka, hufnaanta shaqada, iyo dardargelinta fulinta qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda.
Wasiir Xasan Macallin Maxamuud ayaa ugu dambeyn ku booriyey waaxyaha iyo shaqaalaha Wasaaradda in ay xoojiyaan wada-shaqeynta gudaha Wasaaradda, isla markaana ay si hufan u hirgeliyaan qorshaha waxqabadka sanadka 2026, si loo gaaro yoolalka istiraatiijiyadeed ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka. Waxa uu hoosta ka xarriiqay in qorshahan uu yahay mid muhiim u ah sugidda adeegyada cadaaladda ee hufan, xoojinta nidaamka dastuuriga ah, iyo ka qeyb qaadashada horumarinta adeegyada sharciga ee dalka.
Kulankan ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ay ku xaqiijinayso in la xoojiyo maamul wanaaga, isla-xisaabtanka, iyo tayaynta adeegyada sharciga, si loo gaaro himilooyinka dowladda ee ku aaddan horumarinta adeegyada bulshada iyo dhismaha nidaam cadaaladeed oo waara.