Wasiirka Cadaaladda JFS oo Soo Dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macalin Maxamuud, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda Cadaaladda kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dastuurka, Mudane Saalax Xiireey Kheyre, kaas oo dhawaan uu Raisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, u magacaabay jagadan muhiimka ah ee maamulka iyo hogaaminta arrimaha dastuurka ee Wasaaradda.

Intii uu socday soo dhawaynta, Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa Mudane Saalax kula dardaarmay in uu waajibaadkiisa si hufan u gutto, isagoo ku booriyay in uu ilaaliyo hufnaanta, daacadnimada, iyo cadaaladda inta uu hayo xilka culus. Wasiirka ayaa sidoo kale u rejeyay guul, horumar, iyo in Alle fududeeyo masuuliyadda muhiimka ah ee loo igmaday, isagoo xusay in hogaaminta iyo maamulka arrimaha dastuurka ay yihiin aasaaska xoojinta nidaamka sharci iyo xasiloonida dalka.

Mudane Saalax Xiireey Kheyre ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda soo dhawaynta diiran iyo kalsoonida loo muujiyay, isagoo ballan qaaday in uu si daacad ah u guto waajibaadkiisa, isla markaana uu ka shaqeyn doono hormarinta nidaamka dastuurka iyo hufnaanta maamulka sharciga ee Wasaaradda.

Kulankan ayaa sidoo kale xoojiyay xiriirka ka dhexeeya hoggaanka Wasaaradda Cadaaladda iyo shaqaalaha, iyagoo isla qaatay in loo wada shaqeeyo si loo gaaro hufnaan, cadaalad, iyo horumar waara oo dhinaca arrimaha dastuurka ah.