Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya oo Kawarbixiyay shir Ay somaaliya uga qeyb gashay Tunisia

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka war bixiyay Shirka wasiirada cadaaladda iyo arrimaha gudaha ee Jaamacadda Carabta oo lagu soo gabagabeeyay magaalada tuunis ee Dalkaasi Tunisia kaas oo Soomaaliya uu uga qaybgalay wafdi uu hogaaminayay wasiirka Cadaaladda.

Wasiirka ayaa sheegay in shirka looga hadlay arrimo badan oo muhiim u ah amniga iyo cadaaladda dalalka Carabta, islamarkaana Soomaaliya uu sigaar ah muhiim ugu ahaa,iyadoo qodobadii lagu soo qaaday shirkaa la islagartay in lagawada shaqeeyo oo dalalku iska kaashadaan arrimaasi.

Mr Xasan ayaa sheegay kulamo la qaatay qaarka mid ah wasiiradii ka qaybgalay shirka islamarkaana uu kala hadlay in Soomaaliya laga taageero arrimo badan oo amniga iyo Cadaalada ay ka mid yihiin.

“Waxaa uu ahaa shir muhiim ah waxaa la islagartay in dhamaan qodobada looga hadlay wadajir looga wada shaqeeyo dhaqan galintooda, waxaan sidoo kale kulamo gaargaar ah la qaatay mas,uuliyiin badanoo ay ka mid yihiin Xoghayaha Jaamacadda Carabta, wasiirka arrimaha gudaha Sacuudiga, wasiirada cadaaladda dalalka Tunisia, Sacuudiga,Algeria iyo kuwa kale dhamaan waxaan kala hadlay sidii Soomaaliya looga taageer lahaa dhinacyo badan” ayuuyiri Wasiirka Cadaaladda XFS