Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS oo maanta booqasho ku tegay Xarunta Wasaaradda Caddaaladda, dowlad-Goboleedka Waqooyi. Bari Soomaaliya.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegay Xarunta Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka, Diinta iyo Awqaafta ee Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Wasiir Xasan Macallin ayaa halkaas kullan kula qaatay Wasiirka Caddaaladda Dowlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Yuusuf Maxamed Cali iyo Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan wasaaradda.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha caddaaladda, isku-dubaridka dadaallada, dardargelinta dhameystirka geeddi-socodka dastuurka iyo horumarinta iyo daadejinta adeegyada caddaaladeed,
Ugu danbeyn Wasiir Xasan Macallin ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashi wax-ku-ool ah si loo xaqiijiyo caddaalad hufan, una adeegta danaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.