Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka JFS oo maanta Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS hor geeyay Hindise-Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane Xasan Macallin ayaa maanta Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS hor geeyay Hindise-Sharciyeedka Sharciga Ciqaabta Soomaaliyeed oo horay u ansixiyeen Golaha Wasiirrada, kana mid ah tiirarka aasaasiga u ah nidaamka caddaaladda dalka.
Wasiir Xasan Macallin ayaa sheegay in Xeerka Ciqaabta hadda lagu dhaqmo (Sharci Lambar 5 ee 16/12/1962) uu ka kooban yahay 565 qodob oo u kala baxa Aragtida Guud, Dembiyada iyo Gefafka, isla markaana uu yahay xeer ka shaqeynayay in ka badan 60 sano.
Wasiirka ayaa tilmaamay in muddadaas ay dhaceen isbeddello bulsho, dowlad-dhis iyo kuwa caalami ah, isla markaana ay soo kordheen dembiyo cusub oo u baahan in sharci ahaan loo waajaho, taas oo keentay baahida Xeer Ciqaabeed cusub oo waafaqsan Shareecada Islaamka, la jaanqaadaya casriga, kana tarjumaya xaaladaha dalka.
Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS oo akhrinta koowaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanadu su’aalo ka weydiiyeen mabaadii’da guud ee hindisaha, kuwaas oo Wasiirka si faahfaahsan uga jawaabay.
Ugu dambeyn, Wasiirka oo xusay in hindise-sharciyeedkan uu yahay mashruuc qaran oo ay ka wada shaqeeyeen Wasaaradda Cadaaladda Culimada, Qareennada, Jaamacadaha, La-taliyaasha Sharci iyo Bahda Garsoorka ayaa Mudanayaasha Baarlamaanka JFS ka codsaday in tixgelin gaar ah la siiyo si dalku u helo xeer ciqaabeed waafaqsan diinta, caddaaladda iyo baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.