Wasiirka Caddaaladda iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta oo Daah-furay Tababar Kor loogu Qaadayo Aqoonta Saraakiisha Asluubta

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Macallin Maxamuud, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay tababar meheradeed loo qabanayo saraakiisha iyo ciidamada Asluubta Soomaaliyeed.

Tababarkan oo loogu talagalay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha ciidamada ayaa inta uu socdo lagu bari doonaa maadooyin muhiim ah oo ay ka mid yihiin hoggaaminta, sharciyada iyo xeerarka ciidanka, maamulka xarumaha xabsiyada, iyo daryeelka maxaabiista/xukunsanayaasha.

Tababarkan ayaa loo bixiyay “Dufcadii Koowaad ee Tababar Meheradeedka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed,” waxaana lagu tilmaamay mid bilow u ah barnaamijyo joogto ah oo lagu tayeynayo shaqada Ciidanka Asluubta.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, oo munaasabadda ka hadlay, ayaa sheegay in tababarkan uu yahay mid muhiim u ah tayeynta iyo xirfadda saraakiisha iyo ciidamada. Waxa uu xusay in tababarro noocan ah ay si joogto ah u socon doonaan si loo xoojiyo hufnaanta iyo aqoonta ciidanka.

Sidoo kale, Taliyuhu waxa uu ku boorriyay ka qeybgalayaasha in ay si wanaagsan uga faa’iideystaan fursaddan, isla markaana ay kor u qaadaan xirfadooda shaqo iyo mas’uuliyadda ay bulshada u hayaan.

Dhankiisa, Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa sheegay in horumarinta nidaamka cadaaladda ay si toos ah ugu xiran tahay tayada ciidamada Asluubta, isagoo ku dhiirrigeliyay saraakiisha iyo askarta in ay si dhab ah uga faa’iideystaan tababarkan.

Wasiirku waxa uu sidoo kale tilmaamay in Wasaaraddu ay ka go’an tahay xoojinta dib-u-habaynta nidaamka xabsiyada dalka, si loo hubiyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista loona waafajiyo shuruucda dalka iyo heerarka caalamiga ah.

Gabagabadii, daah-furka tababarkan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo awoodda iyo xirfadda Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka cadaaladda dalka.