Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daud Aweis Jama, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ahna Isku-duwaha Hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada ee Soomaaliya, Mudane George Conway.
Kulankan ayaa ahaa mid muhiim ah oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan dhinacyada warbaahinta, wacyigelinta bulshada, iyo doorka warbaahinta ee xaaladaha degdegga ah iyo gurmadka bani’aadannimo.
Labada mas’uul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda farriimaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Qaramada Midoobay, si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan xog sax ah, waqtigeeda ku habboon, isla markaana ka caawisa ka jawaabidda xaaladaha degdegga ah iyo baahiyaha bani’aadannimo ee dalka ka jira.
Wasiir Daud Aweis Jama ayaa kulanka ka sheegay in Wasaaradda Warfaafinta ay diyaar u tahay xoojinta wada-shaqeynta ay la leedahay Qaramada Midoobay, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in farriimaha muhiimka ah la gaarsiiyo dhammaan bulshada, gaar ahaan dadka ku nool miyiga iyo deegaannada fog-fog, si loo kordhiyo xog-helista dadweynaha loona kobciyo wacyiga bulshada nugul.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa adkeeyay in warbaahintu ay door muhiim ah ka ciyaarto xaaladaha degdegga ah, isla markaana ay tahay aalad lagama maarmaan u ah wacyigelinta iyo isku xirka bulshada.
Dhanka kale, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay, Mudane George Conway, ayaa dhankiisa soo dhoweeyay iskaashigaas, isagoo xusay in QM ay ka go’an tahay sii wadista taageerada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada bani’aadannimada, warbaahinta, iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray horumarinta awoodda warbaahinta dalka, tababarrada suxufiyiinta ee la xiriira tebinta xaaladaha degdegga ah, iyo muhiimadda ay leedahay isku xirka mashaariicda iyo barnaamijyada wacyigelinta ee hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Ugu dambeyn, kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad iyo ballanqaad lagu xoojinayo wada-shaqeynta labada dhinac, si loo horumariyo adeegyada warbaahinta iyo taageerada bani’aadannimo ee shacabka Soomaaliyeed.