WASIIRKA DEKADAHA XFS OO XAFIISKIISA KU QAABILAY WAFTI KA SOCDAY JAMHUURIYADDA TURKIGA.

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar, oo soo gaaray Muqdisho 27-kii bishaan.
Soo dhaweyn kadib, labada dhinac ayaa qaatay kulan ballaaran oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada badda, iskaashiga dhaqaale, horumarinta kaabayaasha dekadaha, difaaca amniga, tamarta iyo adeegyada istiraatiijiga ah ee badda.
Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa adkeeyay muhiimadda joogteynta iyo ballaarinta xiriirka istiraatiijiga ah ee labada dal, isaga oo muujiyay sida ay muhiim u tahay hirgelinta mashaariic wax ku ool ah oo dan u ah Soomaaliya iyo Turkiga.
Dhanka kale, Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha ee Turkiga, Mudane Durmuş Ünüvar, ayaa uga mahadceliyay soo-dhaweynta diirran, isagoo xoojiyay muhiimadda horumarinta iskaashi qotodheer iyo dardar-gelinta heshiisyada horseedaya koboca dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dal.