Wasiirka Dhalinyarada oo XFS oo kulan la qaatay Danjiraha Dowlada Qadar ee Soomaaliya

Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha XFS Mudane Xil Maxamed Barre Maxamuud ayaa kulan la qaatay Danjiraha dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Dr. Abdullah bin Salem Al Nuaimi.

Wasiirka oo ay weheliyaan Agaasimaha guud ee Wasaaradda Mudane Cabdiraxiim Warsame Diiriye iyo saraakiil kale oo wasaaradda ka tirsan ayaa ugu horayn uga mahadceliyay dowladda Qatar sidii quruxda badnayd ee ay uga soo dhalaashay martigelintii koobkii kubadda cagta adduunka ee Qatar 2022 oo saamayn gooni ah reebay.

Wasiir Maxamed Barre Maxamuud ayaa Danjiraha Dowladda Qatar la wadaagay dadaalada ay wasaaraddiisu ugu jirto dayactirka garoomada dalka isagoo safiirka la wadaagay baahiyaha xagga garoomada iyo goobaha dhallinyaradu isugu timaado ee dalka ka jira.

  1. Dowladda Qatar ayaa qorshaynaysa in garoomada guurguura iyo agabkii kale ciyaarihii koobka adduunka lagu qabtay loogu deeqo wadamada adduunka qaarkood.