Wasiirka Difaaca Masar oo sheegay in Ciidamo Ka socda dalkiisa dhawaan Soo gaari doonaan Soomaaliya.

Dowladda Masar ayaa soo saartay war-saxaafadeed rasmi ah oo lagu faahfaahiyay natiijooyinka kasoo baxay kulan dhexmaray Wasiirka Difaaca ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, General Cabdilmajiid Saqr, iyo dhiggiisa Soomaaliya, Wasiir Axmed Macallin Fiqi.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee u dhexeeya labada dal iyo doorka ay labada dowladood ku leeyihiin dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida guud ahaan qaaradda Afrika.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in Dowladda Masar ay ballaarinayso taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo labada wasiir ay muujiyeen isku aragti ku aaddan xaaladda guud ee gobolka Geeska Afrika.

Intaa waxaa dheer, Wasiirka Difaaca Masar ayaa mar kale caddeeyay in ciidamo ka socda dalkaasi ay dhawaan ku biiri doonaan Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), oo ah howlgalka beddelay ATMIS, kaasoo si rasmi ah u dhammaaday dhammaadkii sanadka 2024.

Howlgalka AUSSOM ayaa si rasmi ah u bilowday bishii Janaayo 2025, kadib markii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu ansixiyay waqti hordhac ah oo 12 bilood ah, si loogu taageero dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab.

Masar iyo Soomaaliya ayaa bishii Agoosto 2024 kala saxiixday heshiis iskaashi milatari oo dhigaya in Dowladda Masar ay si buuxda uga qaybqaadato howlgalka AUSSOM inta u dhaxaysa sannadaha 2025 ilaa 2029.