Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Mohamed Farah Nuux, ayaa maanta shir howleed muhiim ah la yeeshay wakiillada shirkadaha kala duwan ee ka hawlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan wasaaradda iyo maamulka garoonka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha lagu ballaarinayo garoonka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dhismaha iyo dayactirka jidadka hareeraha iyo gudaha garoonka, iyo kor u qaadista bilicda guud ee xarunta si ay ula jaanqaaddo heerarka caalamiga ah ee garoomada diyaaradaha.
Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ayaa kulanka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi dhow oo u dhexeeya shirkadaha ka hawlgala garoonka, maamulka garoonka, iyo hay’adaha amniga, si loo hubiyo in mashaariicda horumarineed ay u socdaan si habsami leh. Waxa kale oo la isku afgartay in la joogteeyo kormeer iyo qiimeyn lagu cabbirayo heerka ay marayaan hawlaha horumarinta.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ku doonayso in Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle uu noqdo xarun casri ah oo muhiim u ah duulista hawada ee gobolka, taasoo gacan ka geysaneysa kor u qaadista isku xirka caalamiga ah iyo kobaca dhaqaalaha dalka.
