Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya (XFS) Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga Masar, Abdul Majeed Saqr. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada ciidanka iyo ammaanka.
- Labada Wasiir waxay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka tababarada ciidamada, qalabeynta, iyo la-dagaallanka argagixisada, iyada oo labada dal ay ka mideysan yihiin muhiimadda nabadda iyo xasilloonida gobolka.
- Masuuliyiintu waxay si gaar ah uga wada hadleen howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee loo yaqaan AUSSOM (African Union Somalia Transition Mission). Howlgalkan ayaa Soomaaliya ka bilowday 1-dii Janaayo 2025, waxaana uu yahay qorshe loogu talagalay in ciidamada Soomaaliya ay mas’uuliyadda ammaanka dalkooda si buuxda ula wareegaan marka la gaaro dhammaadka muddada kala-guurka.
- Waxaa sidoo kale laga hadlay sidii Soomaaliya iyo Masar ay u wadaagi lahaayeen khibradaha ku saabsan arrimaha difaaca, farsamada milatariga, iyo horumarinta ciidamada.
- Kulanka wuxuu ahaa fursad lagu adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, iyada oo Masar ay mar walba taageero siiso dadaallada Soomaaliya ee dhinacyada amniga iyo dib-u-dhiska.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid miro-dhal ah, waxaana lagu balamay sii wadida wada-xaajoodyada labada dhinac si loo gaaro yoolalka wadajirka ah ee nabadda iyo horumarka gobolka.