Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbajan kulan kula qaatay dhigiisa dalkaasi Jenaraal Zakir Hasanov.
Kulanka labada Wasiir ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga arrimaha Difaaca iyo la-dagaalanka Kooxaha Khawaarijta.
wasiirka waxaa booqashadiisa dalka azerbijan ku wehlinayay saraakiil ciidan kuwaasi oo safarka ku wehlinayay.
soomaaliya ayaa bilihii ugu danbeeyay waday hishiis ay la saxiixato wadamada ka teegaraya qalabka ciidamada xooga dalka,waxaana arintaan kusoo aadaysaa iyadoo ay isku hayaan soomaaliya iyo itoobiya oo khilaafkoodu maraayo meel aad u saraysa.