Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia kulan kula qaatay Wasiirka Gaashaandhiga dalkaasi, Bratislav Gašić.
Kulanka labada masuul ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Serbia, xiriir labada dal dhexmarayayna uu sanadihii dambe sii xoogeysanayay.
Serbia ayaa ballanqaaday in ay Soomaaliya ka taageeri doonto tababarka iyo qalabeynta ciidanka qalabka sida, gaar ahaan kuwa ku hawlan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Wasiir Fiqi ayaa uga mahadceliyay dowladda Serbia taageerada ay si joogto ah u siiso Soomaaliya, isagoo xusay in ay gacan weyn ka geysanayso dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha khataraha amni abuura.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Serbia ayaa sheegay in dalkiisu uu sii adkeyn doono iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, tababarka ciidanka iyo cilmi-baarista la xiriirta tignoolajiyada.
Wafdiga Soomaaliyeed ee booqashada ku jooga Serbia waxaa hoggaaminaya Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo kulamo kala duwan la qaadanaya madaxda sare ee dalka Serbia.
Waxaa Xusid muda in ciidamo Soomaaliyeed ay tababar ku qaadanaya gudaha Serbia, halka kuwo horay ay u dhammeysteen tababarkooda ay dib ugu soo laabteen dalka si ay ugu biiraan howlgalada ciidamada qalabka sida ee gudaha.