Wasiirka Gaashaandhigga iyo Madaxa AUSSOM oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Dagaalka Kooxda AS

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Taageerada iyo Xasiloonida Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), Mudane El Hadji Ibrahima Diene.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Howlgalka AUSSOM, gaar ahaan taageerada howlgalada socda ee lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka. Labada dhinac ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan sidii loo dardargelin lahaa taageerada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliyeed, loona sii xoojin lahaa wada-shaqeynta dhinacyada tababarka, qorsheynta howlgalada iyo horumarinta awoodda ciidamada.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyay Madaxa AUSSOM doorka muuqda ee Midowga Afrika uu ka qaadanayo taageerada Soomaaliya, isagoo xusay in iskaashiga dhow ee ka dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga iyo AUSSOM uu yahay mid muhiim u ah xaqiijinta amniga dalka iyo guulaha laga gaarayo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Dhankiisa, Mudane El Hadji Ibrahima Diene ayaa xaqiijiyay sida AUSSOM uga go’an tahay sii wadista taageerada ay siiso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in howlgalka Midowga Afrika uu garab istaagi doono dadaallada lagu xoojinayo amniga, dib u dhiska hay’adaha amniga iyo xaqiijinta nabad waarta.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii ambaqaadidda wada-shaqeynta labada dhinac, iyadoo la isku raacay in la xoojiyo isku-duwidda howlgalada amniga iyo taageerada farsamo ee lagu horumarinayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo Soomaaliya nabdoon oo xasilloon.