Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS oo kormeer shaqo ku tegay furimaha hore

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Axmed Macalin Fiqi, oo uu weheliyay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso howlgallada ka socda deegaannada bartamaha dalka, kuwaas oo lagu sugayo amniga laguna beegsanayo kooxda dowladda ugu yeerto Khawaarijta.

Mas’uuliyiinta ayaa markii ay gaareen degmada waxaa halkaasi ku soo dhoweeyay saraakiisha ciidamada iyo mas’uuliyiinta maamulka deegaanka, kuwaas oo warbixin faahfaahsan ka siiyay xaaladda guud ee amniga, horumarka laga gaaray howlgallada socda, iyo qorshayaasha lagu sii xoojinayo amniga gobolka Galgaduud.

Ujeeddada ugu weyn ee kormeerka ayaa ahayd u kuurgelidda xaaladda amni ee degmada iyo deegaannada ku xeeran, qiimeynta heerka ay marayaan howlgallada ciidamada, iyo dhiirrigelinta ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee habeen iyo maalinba ku sugan furimaha hore. Sidoo kale, wafdigu wuxuu indha-indheyn ku sameeyay sida ay u socdaan howlaha lagu xaqiijinayo xasilloonida deegaannada laga saaray kooxda, si shacabka dib loogu soo celiyo adeegyada aas-aasiga ah iyo nolol caadi ah.

Intii uu socday kormeerka, Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka XDS ayaa kulamo gaar ah la yeeshay saraakiisha hoggaaminaysa ciidamada, iyagoo ka dhageystay warbixinno ku saabsan guulaha la gaaray, caqabadaha jira, iyo baahiyaha ciidamada si loo sii dardargeliyo howlgalada. Waxa ay saraakiishu sheegeen in ciidamada ay sii wadaan howlgallada qorsheysan ee lagu baacsanayo kooxda, isla markaana ay jiraan guulo laga gaaray sugidda amniga iyo xoreynta deegaanno hor leh.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ciidamada uga mahadceliyay geesinimada, naf-hurnimada iyo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan difaaca dalka iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu ku ammaanay sida ay uga go’an tahay gudashada waajibaadkooda qaran, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda ilaa laga xaqiijinayo amni waara oo ka hanaqaada guud ahaan dalka.

Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku bogaadiyay adkeysiga iyo wada-shaqeynta ay muujiyeen, isagoo xusay in guulaha laga gaarayo furimaha hore ay ka tarjumayaan kartida iyo diyaar-garowga ciidamada Qaranka. Wuxuu ku boorriyay inay sii xoojiyaan isku-duubnida iyo feejignaanta si loo xaqiijiyo himilooyinka howlgalada socda.

Kormeerkan ayaa muujinaya sida ay dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay joogteynta booqashooyinka lagu dhiirrigelinayo ciidamada ku sugan furimaha hore, isla markaana lagu qiimeynayo xaaladda amniga iyo horumarka howlgalada. Dowladda ayaa sidoo kale adkeysay in la sii xoojin doono taageerada ciidamada Qaranka si loo xaqiijiyo nabad waarta, xasillooni, iyo dib u soo kabashada deegaannada ay saameeyeen colaadaha