Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS), Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kormeer ku tegay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamada Deegaanka ee ku sugan deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Wasiirka ayaa ciidamada ku ammaanay naf-hurnimadooda, geesinimadooda iyo guulaha ay ka gaareen hawlgallada ka dhanka ah kooxda ay dowladdu ugu yeerto Khawaarijta. Waxa uu ku boorriyey inay sii laba jibbaaraan dadaalkooda si dalka looga ciribtiro argagixisada, isaga oo carrabka ku adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta taageerada ciidamada iyo dardargelinta hawlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Dhankiisa, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa ciidamada ku bogaadiyey heegankooda iyo diyaar-garowgooda. Waxa uu ku boorriyey inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, isku-duubnida iyo gudashada waajibaadkooda qaran si loo gaaro guulo waara.
Taliyuhu waxa uu sheegay in hawlgalladu u socdaan si qorsheysan, isla markaana ay sii socon doonaan ilaa laga xoreynayo dhammaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan kooxda.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah safar dhanka dhulka ah oo Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha CXDS ay maalmihii u dambeeyey ku marayeen gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe. Safarkan ayaa ujeeddadiisu tahay dardargelinta hawlgallada socda, dhiirrigelinta ciidamada ku sugan furimaha hore iyo xoojinta isku-duwidda howlgalada lagu xaqiijinayo amniga dalka.