Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay xarunta Ururka 163-aad ee Guutada 16-aad Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo ku taalla magaalada Gaalkacyo.
Booqashada ayaa qeyb ka ahayd kormeerro shaqo oo madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ay ku sameynayaan xarumaha ciidamada, si loo qiimeeyo xaaladda ciidamada, heerka diyaar-garowga iyo howlaha amni ee ay ka wadaan deegaanada ay ku sugan yihiin.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa intii ay ku sugnaayeen xarunta Danab indha-indheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee xarunta, iyagoo warbixinno ka dhageystay saraakiisha hoggaamineysa Ururka 163-aad.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale qiimeeyay heerka diyaar-garowga ciidamada iyo awoodda ay u leeyihiin gudashada waajibaadka loo igmaday, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta howlaha lagu sugayo amniga iyo difaaca shacabka Soomaaliyeed.
Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ciidamada iyo saraakiisha kula dardaarmay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo diyaar-garowga ciidan, la adkeeyo wada shaqeynta iyo isku-xirka ciidamada, isla markaana si buuxda loo guto waajibaadka qaran.
Waxay sidoo kale ku boorriyeen ciidamada inay ilaashadaan anshaxa, midnimada iyo isku-duubnida ciidamada, ayna si xilkasnimo leh uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo difaaca dalka.
Booqashadan ayaa fursad u siisay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka inay si toos ah uga war helaan xaaladda ciidamada ku sugan magaalada Gaalkacyo, iyo baahiyaha ay qabaan si ay si hufan ugu gutaan waajibaadkooda.
Saraakiisha Ururka 163-aad ayaa dhankooda Wasiirka iyo Taliyaha Xoogga Dalka uga warbixiyay howlaha iyo waajibaadka ay ciidamada ka wadaan deegaanka, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta amniga iyo gudashada waajibaadka qaran.
Kormeerka madaxda sare ee Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku soo aadaya xilli dadaallo lagu xoojinayo awoodda iyo diyaar-garowga Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka socdaan qeybaha kala duwan ee dalka.