Wasiirka Gaashaandhigga iyo Wakiilka Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay Amniga iyo Ilaalinta Carruurta.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Danjire James Swan, oo ay wehliyaan mas’uuliyiin ka tirsan Qaramada Midoobay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta u dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay, gaar ahaan arrimaha la xiriira nabadgelyada, dib-u-habeynta hay’adaha amniga, iyo fulinta ballanqaadyada caalamiga ah ee ku saabsan ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha hubaysan.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay hirgelinta Hagaha Qorshaha Howleedka 2025, kaas oo lagu xoojinayo ilaalinta carruurta ay saameeyeen colaadaha, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtan, wada-shaqayn hay’adeed iyo ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah carruurta inta lagu jiro howlgallada amniga.