Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo Booqasho ku Tagtay Kismaayo.

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Kenya, Marwo Soipan Tuya, ayaa maanta soo gaartay magaalada Kismaayo, oo ah xarunta ku-meelgaarka ah ee Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Booqashada Wasiirka waxaa ku wehliyay Taliyaha Ciidanka Dhulka Kenya, Jeneraal David Ketter, iyadoo safarkaasi uu qeyb ka yahay kormeer ay ku sameynayso saldhigyada ay ciidanka Kenya ku leeyihiin magaalada Kismaayo.

Wasiir Soipan Tuya ayaa sheegtay in ujeeddada booqashadeedu ay tahay qiimeyn iyo kormeer la xiriira xaaladda amniga iyo howlgalada ay ciidankeeda ka wadaan Jubbaland.

Socdaalka Wasiirka Gaashaandhigga Kenya ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah, iyadoo magaalada Kismaayo ay ka socdaan shirarro ay yeelanayaan xubno mucaarad ah, arrintaas oo sare u qaaday xiisadda siyaasadeed ee ka jirta magaalada.