Wasiirka Gaashaandhigga Kenya oo Maamullada Gaarisa, Wajeer & Mandheera kala hadlay Xoojinta Amniga

Wasiirka Gaashaandhigga Dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa kulan gaar ah la qaatay Mas’uuliyiinta Maamullada Gaarisa, Wajeer & Mandheera isaga oo kala hadlay xoojinta amniga Ismaamulladaas.

Aadan Barre Ducaale ayaa sheegay in isbaddel wayn oo dhinaca Nabadgalyada ah uu ka jiro Saddexdaan Ismaamul ee Soomaalida taasina ay ku timid wadashaqaynta Maamullada, Shacabka iyo Hay’adaha Amniga qaabilsan.

Ducaale ayaa sheegay in ciidamada amniga sugaya la faray xoojinta howlgallada xooggan ee ka dhanka ah ‘AS’ kana socda deegaanno katirsan Ismaamullada Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera si looga hortago weerarrada & Dilalka halkaas ka dhaca.

Kenya ayaa dhowaan sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Ajaanib u socotay dhinaca Soomaaliya si ay ugu biiraan ama uga mid noqdaan dagaalamayaasha ‘AS’ kuwaas oo qaarkood ay soo bandhigtay Magacyadooda, Sawirradooda & Dalalka ay u dhasheen.