Wasiirka Gaashaandhigga oo lakulmay safiirka dowladda Talyaaniga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya oo uu wehliyo u qeybsanaha  arrimaha Ciiidamada ee Safaarada Talyaaniga oo dhawaan wasaaradda Gaashaandhigga Talyaaniga soo magacawday .

  1. kulanka Waxaa looga hadlay arrimo la xiriira iskaashiga Millatari ee ka dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyoTalyaaniga.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay kaalintii ay ka qaadatay dowladda Talyaaniga Dib-u-hawlgalinta isbitaalka xoogga  iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Dhanka kale safiirka dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in uu muuqdo qorsheyaal dib loogu dhisayo ciidanka xoogga dalka oo ay wado dowladda Soomaaliya, isaggoo xusay in dhankooda ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiskaasi iyo horumarada kale ee Soomaaliya ka socda.