Wasiirka Gaashaandhigga oo tababar ugu soo xeray saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo saraakiisha Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maanta tababar u soo xeray  kuliyadda tababarrada Ciidamada Soomaaliya ee Turkisom ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo ka qeybgalay xaflad lagu dhaariyey ee saraakiisha loo diyaariyey Leyli-Sarkaal, ayaa kula dardaarmay in ay qeyb ka noqdaan difaaca dalka iyo dagaalka ka dahnka ah Al-shabaab.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ku booriiyay ciidamada in ay qeyb ka yihiin difaaca dalka, isaga oo kula dardaarmay in ay dhabarka u ritaan difaaca Diinta, Dadka iyo Dalka.