Wasiirka Gaashaandhigga Oo Tababar Ugu Soo Xiray Saraakiil Saldhiga Turkiga Ee Muqdisho

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Xasan Cali Maxamed iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi ayaa maanta tababar usoo xiray Ciidan isugu jira Saraakiil iyo Saraakiil xigeeno oo Muddo hal sano ah tababar ku qaatay gudaha Dugsiga tababarka ee Turkisom, waxaana maanta loo dhaariyay Ciidankaasi kamid noqoshada XDS.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ku sugnaa Safiirka dawladda Turkey ee Soomaaliya, Wakiilo ka socday Ciidanka Xoogga ee Turkiga, Saraakiil iyo Madax ka socday Wadamada Caalamka iyo qaar kamid ah Ehelada Ciidanka maanta tababarka loo soo xiray, si ay ula qeybsadaan Farxadda.

Ciidankaan ayaa muddadii tababarka uu u socday waxaa la baray Casharo kala duwan oo ay ka mid yihiin, Sharciyadda Ciidanka Xoogga, Habka dagaalka oo Baraatiko ay la socoto iyo Xogta Milatariga, si kor loogu qaado Xirfadooda.

Taliyaha Dugsiga tababarka ciidanka ee TurkSom S/guuto Cumar Faaruuq ayaa sheegay in saraakiishaan maanta la dhaariyey ay isugu jiraan Ciidamada Cirka, Badda iyo Dhulka, waxaana uu xusay ay qaateen tababaro kala duwan oo heer sare ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi indhaqarshe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa ugu horeyn u hambalyeeyey Saraakiisha cusub ee tababarka loo xiray, waxaana uu tilmaamay in ciidanka xoogga dalka uu dhismayo, isla markaasna hadda uu ku jiro ciribtirka Al-shabaab.

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Maxamed ayaa uga mahad celiyay dawladda Turkiga sida ay uga qeyb qaadaneyso dhismaha iyo qalabeynta Ciidanka Xoogga dalka.

Dhinaca kale Saraakiisha Dugsiga tababarka Ciidanka ee TurkSom, ayaa sheegay in dhawaan Imtixaano ay qaadeen inay ka gudbeen 185 Arday oo loo qaatay in loo tababaro Leyli Saraakiil iyo Saraakiil Xiggeeno.