Wasiirka gaashaandhigga oo wax laga weydiinayo dhibaatooyinka ay geystaan ciidanka Millatariga

Guddiga difaaca baarlamaanka golaha shacabka ayaa maanta waxa ay su’aalo ku saabsan tacadiyada ciidanka Millatariga Soomaaliya ay u geysteen dadka rayidka ah.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa maanta hortagaya guddiga difaaca, waxaana wax laga weydiin doonaan dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ee ciidanka Millatariga Soomaaliya ay ka geysteen Muqdisho.

Guddiga difaaca ayaa wasiirka gaashaandhigga iyo saraakiisha ciidanka xoogga waxa ay wax ka weydiinayaan dhacdooyinkii lagu dilay Deeqo Daahir oo aheyd ardayad 9 jir ah iyo falkii lagu toogtay wiilkii dhalinyarada ahaa ee lagu magacaabi jiray Dayax Iimaan.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah xoghayahay guddiga difaaca baarlamaanka golaha shacabka ayaa sidan yiri “badanaa waxaa aduunyada loogu tala galay ciidanka Millatariga inay joogaan banaanka magaalada oo ay difaacaan dalka, kulan ayaa waxaan la yeelanayeynaa wasiirka difaaca iyo saraakiisha xoogga, ma ogolaaneyno tacadiyada shacabka”.