Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo kulan la yeeshay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, Marwo Ruth Anne Stevens-Klitz, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dal, gaar ahaan dhinacyada gaashaandhigga iyo amniga.

Kulanka ayaa labada dhinac waxay si qoto dheer uga wada hadleen xaaladda amniga Soomaaliya, hawlgallada milatari ee ka dhanka ah kooxda AS iyo sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta Soomaaliya iyo Mareykanka ee taageerada ciidamada qaranka iyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga dalka.

Sidoo kale, waxaa kulanka si gaar ah loogu falanqeeyay waajibaadka iyo mustaqbalka hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo la adkeeyay muhiimadda ay leedahay in geeddi-socodka kala-guurka amniga uu noqdo mid qorsheysan, isku-dubbaridan, isla markaana ku saleysan awoodda, diyaargarowga iyo kartida Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka hadlay wareejinta saldhiggii hore ee ciidamada AUSSOM ee magaalada Baraawe, kaas oo ay la wareegeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Tallaabadan ayaa qayb ka ah qorshaha lagu xoojinayo awoodda ciidamada qaranka, si ay si tartiib-tartiib ah ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amniga deegaannada dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulanka ka bixiyay warbixin ku saabsan hawlgallada milatari ee ay ciidamada dowladda ka wadaan qaybo ka mid ah dalka, kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayo kooxda AS iyo kooxaha kale ee gacan-saarka la leh, kuwaas oo khatar ku ah amniga Soomaaliya, xasilloonida gobolka iyo nabadda caalamka.

Wasiirka ayaa sidoo kale adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay dhismaha ciidan qaran oo xirfad leh, tababbaran, isla markaana leh awoodda iyo agabka uu ugu baahan yahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah.

Ugu dambeyn, kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga amni ee Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo labada dal ay iska kaashanayaan taageerada ciidamada Soomaaliyeed, la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo xaqiijinta amni waara oo dalka ka hanaqaada.