Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Mudane Maxamed Caliim, waxaana labada dhinac ay yeesheen kulan looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray iskaashiga labada dal ee dhinacyada difaaca iyo amniga, iyadoo laga wada hadlay sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka labada dowladood iyo wada-shaqeynta ku aaddan arrimaha muhiimka u ah labada dhinac.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Aljeeriya taageerada ay si joogto ah ula garab taagan yihiin Soomaaliya, gaar ahaan taageerada la xiriirta dhismaha hay’adaha dowladda iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo xasilloonida dalka.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga dhinaca difaaca, lana ballaariyo fursadaha labada dal ay ku wada shaqeyn karaan, iyadoo la tixgelinayo danaha iyo baahiyaha labada dhinac.
Danjiraha Jamhuuriyadda Aljeeriya ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Caliim, ayaa dhankiisa muujiyey sida ay Aljeeriya muhiimad u siineyso xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, iyo diyaar garowga ay u leedahay in ay sii waddo taageerada iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla eegay arrimo la xiriira xaaladda amni ee Soomaaliya iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo awoodda hay’adaha amniga iyo difaaca dalka, iyadoo la adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqeyn joogto ah iyo is-dhaafsi khibradeed.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan sii xoojinta xiriirka labada dal iyo in la dardargeliyo iskaashiga dhinacyada difaaca, amniga iyo danaha wadaagga ah ee Soomaaliya iyo Aljeeriya