Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Isku-duwaha Arrimaha Bani’aadannimada, Mudane George Conway, iyo Wakiilka Hay’adda UNICEF u qaabilsan Soomaaliya, Marwo Sandra Lattouf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Wasaaradda Gaashaandhigga, Qaramada Midoobay iyo UNICEF, gaar ahaan dhinaca ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah ee ay saameeyeen colaadaha hubeysan ee ka jira Soomaaliya.
Mas’uuliyiinta ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu ilaalinayo xuquuqda carruurta xilliyada ay jiraan colaadaha, iyadoo arrintan qayb ka tahay hirgelinta Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Dadka Rayidka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sidoo kale, kulanka waxaa lagu falanqeeyey sidii loo dhisi lahaa hannaan isku-duwan oo wax ku ool ah, kaas oo lagu soo tebiyo, lagu diiwaangeliyo, laguna dabagalo eedeymaha la xiriira xadgudubyada loo geysto carruurta iyo dadka rayidka ah. Ujeeddadu waxay tahay in la helo xog sax ah oo la isku halleyn karo, isla markaana si hufan looga jawaabo eedeymaha soo baxa.
Dhinacyada ayaa sidoo kale isla soo qaaday muhiimadda ay leedahay in tallaabooyinka iyo jawaabaha ay Dowladda Soomaaliya ka qaaddo arrimaha la xiriira ilaalinta dadka rayidka ah si sax ah loogu muujiyo warbixinnada iyo dukumentiyada khuseeya ee Qaramada Midoobay.
Waxaa intaas dheer, kulanka ayaa lagu soo qaaday dardargelinta Qorshe-hawleedka Qaran ee Carruurta iyo Colaadaha Hubeysan, kaas oo muhiim u ah xoojinta tallaabooyinka lagu yareynayo saameynta colaadaha ay ku yeeshaan carruurta Soomaaliyeed.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa kulanka ku tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta Dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan carruurta oo ah qaybta ugu nugul bulshada xilliyada colaadaha.
Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay horumarka ay Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinaca ilaalinta dadka rayidka ah, isaga oo si gaar ah u xusay carruurta, wuxuuna sheegay in ciidamada dowladda ay dadaal ugu jiraan in howlgalladooda ay waafaqaan siyaasadaha qaranka iyo waajibaadka caalamiga ah ee khuseeya ilaalinta dadka rayidka ah.
Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa Qaramada Midoobay iyo UNICEF uga mahadceliyey iskaashiga iyo taageerada joogtada ah ee ay Soomaaliya la garab taagan yihiin, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah.
Wasiirka ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyey sida ay Wasaaradda Gaashaandhigga uga go’an tahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ee ay khuseyso, si loo sii adkeeyo ilaalinta carruurta iyo dadka rayidka ah ee ay saameeyeen colaadaha hubeysan.
Kulanka ayaa kusoo dhammaaday is-afgarad ku saabsan in la sii xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda dadaallada, si loo hubiyo in carruurta iyo dadka rayidka ah ay helaan ilaalin ku filan, isla markaana tallaabooyin wax-ku-ool ah laga qaado xadgudubyada ka dhanka ah dadka nugul.