Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta guddoomiyay shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo diiradda lagu saaray qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee lagu horumarinayo, dib loogu dhisayo laguna casriyeynayo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Intii uu shirku socday, waxaa la qiimeeyay heerka ay marayaan qorshayaasha istiraatiijiyadeed ee Ciidanka, iyadoo xubnaha guddigu ay soo bandhigeen warbixinno iyo talooyin la xiriira xoojinta awoodda difaaca, kor u qaadidda tayada ciidanka iyo dardargelinta dib-u-dhiska hay’adaha difaaca qaranka.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta qorsheyaal istiraatiijiyadeed oo lagu dhisayo ciidan qaran oo xirfad leh, casri ah, isla markaana awood u leh gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah ee difaaca madax-bannaanida dalka, ilaalinta wadajirka dhuleed iyo sugidda amniga qaranka.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu ku boorriyay xubnaha guddiga inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda si loo xaqiijiyo himilooyinka mudnaanta leh ee ku saabsan dhismaha, casriyeynta iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, taliyeyaasha qeybaha kala duwan ee Ciidanka, taliyeyaal hore oo ay ka mid yihiin Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) iyo Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddow, iyo saraakiil sare oo xubno ka ah Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda Ciidank