Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo Ka Qayb Galay Daahfurka Diiwaangelinta Xog-dhowrka Iyo Xog-adeegsiga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda daahfurka diiwaangelinta Xog-dhowraha iyo Xog-adeegsadaha, taas oo ay soo qabanqaabisay Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha.

Munaasabaddan ayaa lagu daahfuray nidaam cusub oo lagu diiwaangelinayo Xog-dhowrayaasha iyo Xog-adeegsadayaasha, taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo ilaalinta xogta, amniga macluumaadka iyo nidaamka maamulka xogta ee hay’adaha dowladda.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ilaalinta xogta iyo amniga macluumaadku ay yihiin tiir muhiim ah oo ka mid ah amniga guud ee dalka, isagoo tilmaamay in horumarinta nidaamyada xogta casriga ah ay muhiim u tahay hufnaanta shaqada hay’adaha dowladda.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa bogaadiyay dadaallada Hay’adda Dhowrista Xogta Dadweynaha, isagoo xusay in tallaabadan ay tahay mid muhiim ah oo kor u qaadaysa kalsoonida lagu qabo nidaamyada xogta iyo adeegyada dowladda.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in Wasaaradda Gaashaandhigga ay ka go’an tahay la shaqeynta hay’adaha ku shaqada leh amniga xogta, si loo xaqiijiyo ilaalinta xogaha muhiimka ah ee dalka iyo kuwa la xiriira difaaca qaranka.

Ugu dambeyntii, munaasabadda ayaa kusoo dhammaatay jawi is-afgarad iyo taageero lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay casriyeynta iyo ilaalinta xogta dadweynaha ee Soomaaliya.