Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa ka qaybgalay Madasha Isku Xirka Hawlaha Ka-hortagga Fikirka Xagjirka ah oo ay soo qaban-qaabisay Xarunta TUBSAN. Madashan muhiimka ah waxaa shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga hay’adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo saaxiibbada caalamka si loo wajaho caqabadaha ka dhasha fikirka xagjirka ah iyo argagixisada.
Intii uu socday kulanka, Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa khudbad uu ka jeediyay ku muujiyay sida ay Wasaaradda Gaashaandhigga uga go’an tahay door firfircoon oo ay ka qaadato dadaallada qaran ee lagu ciribtirayo fikirka xagjirka ah. Wuxuu xusay in la-dagaallanka argagixisadu uusan ku koobnayn oo kaliya dhinaca milatariga, balse uu u baahan yahay istaraatiijiyad ballaaran oo ay ku jiraan dhinacyada wacyigelinta bulshada, waxbarashada, iyo horumarinta dhaqaalaha si loo yareeyo sababaha keena in dhalinyaradu ku biiraan kooxaha xagjirka ah.
Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa adkaysay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqaynta ay la leedahay Xarunta TUBSAN iyo hay’adaha kale ee dowladda, si loo mideeyo qorshayaasha iyo dadaallada ka dhanka ah fikirka xagjirka ah. Waxaa sidoo kale la isla qaatay in la kordhiyo is-weydaarsiga xogta iyo khibradaha, si loo helo hannaan wax ku ool ah oo lagu ogaan karo loogana hortagi karo halis kasta oo amni.
Dhanka kale, Wasaaraddu waxay si gaar ah u tilmaantay muhiimadda taageeridda iyo dib u soo celinta dadka ka soo baxa kooxaha argagixisada. Waxaa la xoojiyay baahida loo qabo in la horumariyo barnaamijyada dhaqancelinta, si dadkaasi loogu diyaariyo nolol cusub oo ka baxsan rabshadaha. Arrintan waxaa barbar socda dadaallo lagu xoojinayo is-dhexgalka bulshada, si loo hubiyo in dadka dib loo soo celiyay ay helaan taageero bulsho oo joogto ah, taas oo ka hortagaysa in mar kale loo adeegsado falal xagjirnimo.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafaguray doorka muhiimka ah ee ay dhalinyaradu ka ciyaari karaan nabadda iyo xasilloonida dalka. Waxaa la tilmaamay in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta bulshada, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la siiyo fursado waxbarasho, shaqo iyo wacyigelin si ay uga fogaadaan marin-habaabinta kooxaha xagjirka ah.
Waxaa goob joog ahaa Agaasimaha Xarunta TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe, iyo mas’uuliyiin ka socday hay’adaha amniga, ururrada bulshada rayidka ah, culumaa’udiinka, iyo saaxiibbada caalamka. Ka qaybgalayaasha ayaa si wadajir ah u muujiyay sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo iskaashiga iyo mideynta dadaallada lagu xaqiijinayo amni waara, xasillooni iyo horumar ay ku naaloon karaan shacabka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, madashan ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la sii ambaqaado kulamada noocan oo kale ah, si loo joogteeyo wada-tashiga iyo isuduwidda hawlaha ka hortagga fikirka xagjirka ah, loona dhiso mustaqbal nabdoon oo ay Soomaaliya ku tallaabsato.
Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo ka Qaybgalay Madal Lagu Xoojinayo Ka-hortagga Fikirka Xagjirka...